Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gudoomiyay kulanka gudiga joogtada ah

Muqdiaho – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kullanka guddiga ayaa maanta looga hadlay qorshe howleedka guddiga oo ay ugu horeeyaan qaabaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada golaha iyo ajandeynta hindise sharciyeed-yadda harsan ka hor inta uusan soo xirmin kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka.