Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Dugsiga tababarka Boliiska ee Gen Kaahiye

Muqdisho – (warsoor) – Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta gaaray xarunta Jeneraal Kaahiye si uu u dhiira geliyo Ciidamo tababar ugu socdo xaruntaasi.

Guddoomiyaha oo la qadeeyay Ciidanka uu tababarka u socdo ayaa la filaya in uu khudbad u jeediyo, kana xog wareysto xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tababarka u socda.

Waxaa Guddoomiye Mursal ku wehliyay booqashada dhiirri gelinta ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane, Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa xarunta Jeneraal Kaahiye ku soo dhoweeyay guddoomiye Mursal xarunta Gen, Kaahiye, kusimaha taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna taliye kuxigenka Ciidanka S/guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Saraakiil kale.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.