Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo Shir guddoomiyey kulanka Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka

Muqdisho (warsoor), Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay xarunta golaha shacabka ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu sidoo kale goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa waxaa marka hore guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Dalka uu guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixiyay waxyaabihii guddiga u qabsoomay muddadii uu sheqeynayay ,waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay howsha guddiga ee ku aadan dib u eegista iyo la socodka dastuurka.

Guddoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka ay maanta la qaateen guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.