Guddoomiyaha gobolka Sannaag oo kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha ka hawl gala gobolkaasi

Ceerigaabo (Solna)-Guddoomiyaha gobolka Sannaag ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha ka hawl gala gobolkaasi, iyadoo kulankaasi lagaga arrinsanayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda biyo la’aaneed ee gobolka ka jirta iyo xanuunka Covid-19.

Sidoo kale waxa kulankaas qayb ka ahaa wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sannaag Eng Axmed Cismaan Xasan oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee Solna markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa sheegay inay isugu yeedheen Hay’adaha dawliga ah, kuwa Caalamiga ah iyo NGO-yada ka hawl gala gobolka Sannaag sidii wadajir wax loogu qaban lahaa bulshada ay saamaysay biyo la’aantu ee gobolka iyo sidii looga hortaggi lahaa halista xanuunka coronavirus.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sheegay inay dhamaan masuuliyiintii ay la shireen ay isla qaateen si dhaqso ah loogu gurmado dadka ay sameeyeen biyo la’aanta iyo sidoo kale xanuunka coronavirus ee gobolka, waxaanu intaa ku daray in loo ballamay in hay’adkasta ay soo diyaariyaan wixii ay kaga qayb qaadan lahaayeen arrimahaasi.