Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Argagixisada

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa aad u cambaareeyay Weerarkii Argagixasada ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar ayaa Tacsi u diray Qoysaska, Taliska Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen Saraakiishii ku Shahiiday Weerarkaasi iyagoo gudanaya waajibaadkooda Qaran.

Waxaa uuna sidoo kale Eebe ugu baryay Saraakiisha, Askarta iyo Shacabkii ku dhaawacmay weerarkaasi in uu Caafimaad deg-deg ah siiyo.

Duqa Muqdisho ayaa falkaan ku tilmaamay mid muujinaya heerka caqiido la’aan ee kooxda Argagixisada, iyadoo lagu jiro bil barakeysan ee Ramadaan in ay daadinayaan dhiiga Muslimiinta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa markale ugu baaqay Shacabka in ay ka feejignaadaan qatarta Argagixisada,isagoo  sheegay in sida kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay in loo midoobo la dagaallanka Argagixisada, Shacabkana ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.