Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare dalka oo xilka la wareegay-Sawirro

Muqdisho – (warsoor) –  Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar carte, guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare, wasiiro, xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakil ciidan iyo marti sharfaf ka

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo xaflada ka hadlayay ayaa sheegay intahay wax lagu farxo munaasabadda xil wareejinta ah.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi (Ilka-Xanaf) ayaa sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah.

Gudoomiyaha_maxkamada_sare_Somaliya

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan kalsoonida bulshada Soomaaliyeed ee dhanka garsooka u soo celin lahaayeen, ayna kor u qaadayaan tayada howlwadeenada garsoorka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka dhacday ay sabab u tahay cadaalad darro, loona baahanyahay in la horumariyo arrimaha cadaaladda.

Dr Ibraahin Iidle Suleymaan, ayaa 4-bishan loo magacaabay xilka guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, kadib digreto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.