Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay guddooomiyihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ka dib kulan ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kulanka khudbad ka jeediyay ka dib markii uu xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub Sheikh Aadan Madoobe.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo kulanka xiga ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna sheegay in ay noqon doonto 4-ta bisha soo socoto ee May.