Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Gurigiisa Ku Booqday Xildhibaan Axmed Nuur Guruje Oo Dhaawac La Gaadhsiiyey

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa gurigiisa ku booqday Xildhiban guruuje oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada, kaas oo uu dhaawac soo gaadhsiiyey suldaan saleebaan boqor cismaan.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanka ka waraystay sida ay wax u dhaceen, iyo halka uu salka ku hayo khilaafka kala dhexeeya isaga iyo suldaanka.

Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in ka gole ahaan ay sharciga iyo nidaamka dawladnimo ay ku dhamayn doonaan khilaafkan sababay dhaawac xildhibaanka.