Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL OO qaabilay Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Hargaysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali Ibraahim Jaamac ayaa maanta Xarunta Baanka Dhexe ku qaabilay Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Hargaysa oo uu hor kacayo Mayorka Caasimadda, Mudane: Cabdikariim Axmed Mooge, Mayor ku Xigeenka Caasimadda Mudane: Khadar Axmed Cumar, iyoXoghayaha Dowladda Hoose Mudane: Siciid Jaamac Nuur.

Ugu horeyn Mayorka Caasimadda ayaa uga Mahad celiyey Guddoomiyaha Baanka soo dhawaynta, Sidoo kale waxaa uu Mayor-ku uu tixbaaxay ujeedda kulankani uu daaran yahay oo ah sii Xoojinta xidhiidhka Baanka Dhexe iyo Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo sidii Baanka Dhexe JSL uu qayb uga gaysan lahaa Maal-gelinta Mashaariicadda Horumarineed ee Dowladda Hargaysa u qorshaysan in ay ka fuliso Caasimadda JSL ee Hargaysa hadii Alle imdo.

Wabilaahi TawfiiqXafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Arrimaha Dibadda

Baanka Dhexe ee JSL.