Guddoomiyaha Aqalka sare oo amniga doorashooyinka kala hadlay Taliyeyaasha CXD iyo Booliiska

MUQDISHO –ย (WARSOOR) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Taliyeyaasha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay adkaynta sugidda Amniga Doorashada iyo midka guud ee Dalka.