Guddii ay Guurtidu U Saartay Xeerka Liisamada Ganacsiga Oo Kulan La Qaatay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha guddidii golaha guurtidu u dhawaan u saareen xeerka liisamada ganacsiga xildhibaan Cumar Nuur Rayaale ayaa sheegay in ay warbixin ka dhaageysteen gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland iyo gar-yaqaanka guud ee qaranka, si ay xogo dheeraad ah uga helaan xeerka liisamada ganacsiga, kaas oo ay xukuumadda Somaliland soo curisay.

Xildhibaan Cumar Nuur wuxuu xusay in arrimaha kulankaas lagu gorfeeyay ay ka mid ahayd sidii la isku waafajin lahaa xeerkaas iyo sida uu wax ugu taraayo cida lagu dhaqaayo oo ah ganacsatada dalka, isagoo xusay in arrimhii ay ka wada hadleen masuuliyiinta rugta ganacsiga Somaliland iyo gar-yaqaanka guud ay ku celin doonaan golaha guurtida Somaliland marka ay fasaxa ka soo noqodaan.

Ugu dambayn gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa u mahadceliyay guddidaas golaha guurtida Somailand u saareen inay soo naaqishaan xeerka liismaada ganacsiga, waxaanuu gudoomiye Jamaal Sheegay in guddidaas ay siiyeen wixii warbixino ahaa ee ay uga baahnaayeen, isagoo xeerkaasna ku tilmaamay xeer muhiimad u leh liisamada ganacsiga dalka, oo ay wasaaradda ganacsiga Somaliland  hindistay.