Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka oo shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho – (SONNA) – Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka ayaa shir muddo 4 maalin ah soconaya uga furmay magaalada Muqadisho, shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan hawl wadeennada Guddiga ayaa diiradda lagu saaray waxa u qabsoomay Guddiga mudadii uu jiray.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil oo shirka furtay ayaa ku dheeratay ka shekeynta waxqabadkii Guddiga iyo caqabadaha soo wajahay mudada uu jiray, iyadoo tilmaamtay in Guddiga shaqa wanaagsan uu ka qabtay fulinta qorshayaashii u daganaa halka caqabada la xariira arrimaha siyaasadda ay wax badan u suuragali waayeen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixisay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta hawl wadeennada Guddiga taas oo dhiirragalisay in ay waxbadan u qabsoomaan, kulana dardaarantay in shaqaalaha ay sii laba jibaaran dadaalka ay ugu shaqeynayaan wadankooda madaama waajib saaran ay tahay.

Ugu danbayn Guddoomiye Xaliima ayaa raja badan ka muujisay in istaraatiijiyadda 2021-2025 uu guddiga waxbadan soo kordhin doono siina laba jibaari doonaan shaqooyinka guddiga si wadanka ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.