Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo shaaciyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Golaha

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS waxaana Kulanka ka qeyb galay gudddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey ,habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka iyo sidoo kale Ajendayaasha horutabinta u leh golaha shacabka kalfadhigan iyo shuruucda hortaala.

Kulanka maanta ee Guddiga joogtada ah ayaa lagu go’aamiyay waqtiga uu furmaayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka oo a asteeyay in 27-ka bisha maarso oo ku beegan maalinta arbacada ah uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga shanaad ee golaha sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.