Guddiga Heer Federaal ee doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo ka hadlay doorashada

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Guddiga Federal ee Hirgalinta doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle Cumar Dhagey oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayuu kaga hadlay inuu dib u dhac ku yimi doorashada Madaxtinimada dalka oo la filayay inay qabsoonto 30-ka bishan iyadoo sidookale dib u dhac uu ku yimi doorashada gudoonka labada aqal ee baaralamanka Somaaliya isagoona sheegay in 30-ka bishan xildhibaanada la doortay lasiin doono shahaadooyinka cadeynaya xildhibanaimada kaidbna loo gdubi doono doorashada guddoonka Baaralamanka iyo tan Madaxweynaha.

Sidookale Guddoomiye Cumar Dhagey ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso u diyaargarowga doorashada xubnaha labada aqal ee Baaralamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Wuqooyi taasi oo dhawaan ka dheceysa magaalada Mqudisho.

guddiga-doorashada-federaalka

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Federaalka ee Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday cabashooyin iyo dacwo lagasoo gudbiyay kuraas qaar ee xubnaha baaralamanaka ee la doortay, isagoo xusay in beri ay kulan la qaadan doonaan guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay isla meel dhigi doonaan wixii cabasho ah ee jirta.

Ugu dambeyn Abuukaate Cumar Dhagey mar wax laga weydiiyay go’aankii Puntiland ay ku shaacisay inay ku hakisay doorashada xuybnaha golaha shacabka, ayaa ku jawaabay inay arintaasi kala hadleen Madaxda dowlad goboleedka Puntland.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.