Guddiga farsamada xayiraad ka qaadista Xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga oo faahfaahin ka bixiyey dhoofinta Xoolaha

Muqdish –  (warsoor) – Guddiga farsamada xayiraad ka qaadista Xoolaha loo dhoofiyo Dalka Sacuudiga oo shir jaraa’id Magaaladda Muqdisho ku qabtay,  ayaa waxa ay sheegeen in xayiraadka laga qaaday Xoolaha loo dhoofiyo dalka sacuudiga,  sanadkaanna la dhoofinayo xoolaha.

Guddiga waxay sheegen in ay booqdeen Maxjarada lagu xanaaneyo Xoolaha Soomaaliya ayna kala hadleen Caafimaad qabka  xoolaha la dhoofiyo,  lana hubiyo inta aan la dhoofin xoolaha, waxaana guddiga  ay ballan qadeen in ay mar kale soo laaban doonin in la xayiro xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Mudane C/raxmaan Nuur Qeyliye oo kamid ah Guddiga farsamada xayiraad ka qaadista Xoolaha loo dhoofiyo Dalka Sacuudiga oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in sharruudo ay hordhigeen Maxjarada Xoolaha, islamarkaana ay ku sameeyaan kormeero joogto ah, si loo hubiyo Caafimaadka Xoolaha la dhoofinayo.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.