Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed Puntland oo warqad codsi ah u diray Madaxweynaha Puntland

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddiga Maamulka Doorashada Heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warqadda ay guddiga u direen Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidan.