Guddiga doorashada Gobolladda waqooyi oo shaaciyey qabashada doorashada 16 kursi

Muqdisho-(WARSOOR)-Guddiga maamulka doorashada Gobolladda waqooyi ee Somaliland ayaa u gudbiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal inay qaban doonaan 16 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. sidaas darteed Guddiguna waxa uu ku war galinayay beelaha kuraastaa leh in ay 1/12/2021 ay yimaadan xarunta Guddiga SEIT.