Guddiga diyaarinta xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah kula yeesheen Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxa ay ka dhageysteen Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu kamid yahay Raโ€™iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

kulankooda ayeey diirrada ku saareen qabyo-tirka mid kamid ah Nuqullada Afarta xeer ee guddiga loo igmaday guddiga.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ah Mudane . Xil. Ibraahim Isaaq Yarow.