Guddidii Taakulada Abaaraha Heer Qaran Oo Caawa Soo Bandhigay Xisaab Xidhkii Ay Ku Shaqaynayeen Mudadii Ay Xaaladda Abaartu Dalka Haysay

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Qasriga madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay guddida taakulaynta abaaruhu kusoo bandhigeen xisaab xidh dhamaystiran  oo ku saabsan qaadhaankii soo gaadhay mudadii lagu jiray xaaladii abaaraha ee dalka ku habsatay.

Guddida oo si faahfaahsan u soo bandhigtay xisaab xidhkaa ayaa waxaa ugu horeyn munaasibada ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Maxamed aadan oo ku hadlayay afka guddida ayaa soo bandhigay xadiga lacagta ee guddida soo gaadhay mudadii ay hawsha wadeen iyo waliba waxqabadkii guddida.

Ugu horey Sheekh Maxamed Aadan ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay waxqabadkii gudida waxaanu yidhi “Abaartii ka dhacday gobolada galbeedka Somaliland una gudubtay gobolada bari ee Soomaaliland sanadahan u danbeeyay  ayaa saameysay in ka badan dad gaadhayay ilaa sided boqol oo kun oo qof  una badnaa xoolo dhaqato, beeralay iyo dad badan oo hay’adaha kana yimid  itoobiya soona galay Gobolada Galbeedka kuwaasoo waajahay xaalad qalafsan bilihii hore ee sanadka 2016, kaddib markii ay duunyadii dabar go’day, dadkuna uu nuglaaday, gaadhayna heer  ay carruurta iyo waayeelkaba nafaqo daro ku dhacdo. ugu danbayna gaadhay xaalad adag iyo dhimasho gobolada galbeedka (Salal iyo Awdal).

Guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran waxay ka hawl galeen sidii loogu gurman lahaa dadkaa ay abaartu saamaysay. waxaana ka qayb galay gurmadkaas dhammaan qaybaha kala duwan ee umadda.

Guddida waxa soo gaadhay abaartaa hore lacag dhan laba milyuun, shan boqol, saddex iyo todobaatan kun iyo sagaal boqol sagaashan iyo sagaal dollar dhibic sideetan iyo shan senti {$2,573,999.85, lacagtaas oo ka kala timi Dawladda iyo shacabka Somaliland, Dawlada Soomaaliya iyo shacabkeeda, Intii Afsoomaali ku hadasha iyo samafalayaal kala duwan.”

Waxayna u kala baxday sidan:

1.$1,592,266.76 ,waxay ku baxday iib raashin dhamaystiran oo 33,172 qoys iyo kharashkooda

2.$398,852, waxay ubaxday qodis beero loo qaaday gobolada Maroodijeex, Gebiley, Awdal, Daadmadheedh, iyo Sanaag oo loo qorsheeyay. 3.$,445 biyo dhaamis.

4.$97,445, waxa lagu bixiyay  waxyeelo katimi roobab duufaano watay oo ku dhuftay taleex (Xaysimo) iyo Maroodijeeex.

5.$64.558, Gurmad iyo dib u raris soo guurto kasoo guurtay itaabiya oo soo gaadhay gobolada Awdal iyo Salal iyo rarid soo guurto gobalka Badhan.

6.$11,987.5, safarkii qaadhaan ururinta ee jabuuti iyo kharashkii waftigii taakulada siday ee Muqdisho.

7.$3,560 dayactir ceelal

  1. $3,439 warbaahin.

Guud ahaan dakhliga guud oo noqday $2,573,999.85 iyadoo $2,219,113.26 ay kharash noqotay waxa guud ahaa lacagtaas kasoo hadhay lacag dhan $354,886.59 oo u wareegtay abaartii danbe.’’ Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan Sidoo kale waxa uu sheekh Maxamed Aadan guud maray abaarihii gobolada bariga iyo siday Guddidu u maamushay Qadarkii lacagta iyo raashinkaba ee soo gaadhay waxana uu yidhi ‘Haddii uu roobku da’ay abaartana laga soo doogay waxoogaa, waxay si lama filaan ah ugu dhuftay gobalada bari oo aynu uga jeedno gobalka Saaxil iyo gobalada ka bariyeeya bishii September 2016 ka aakhirkiisii abaar culus oo saamaysay dad gaadhaya milyuun iyo shan boqol oo kun oo qof, sahaydayna duunyo badan dadkana dhibaato badani ka soo gaadhay oo aan hore uga dhicin Somaliland iyo dhulka Soomaalidu degto toona oo ay dadka qaar ku sheegeen in ay ka cuslayd abaartii daba-dheer ee 1974 magacyo kala duwana  ay dadku ugu magac dareen sida  “Baaha” iyo “Sima”. Abaartaas oo usoo gudubtay markii danbe gobolada galbeedka sababtayna sida ay cadeeyeen khubaro u kuur gashay  in xoolaha baxay ay gaadheen boqolkiiba 70% celcelis ahaan iyada oo laf dhabarka dhaqaalaha Soomaliland uu ahaa xoolahaa nool dadkuna ay ahaayeen noole noole ku nool dabadeed la isla shufbeelay.

Waxa kale oo ka dhashay roob la’aantii cuduro kala duwan iyo caafimaad xumo , raashin  la’aan iyo baad iyo calaf la’aan. Hadaba guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran dib ayay u bilaabeen hawlahoodii gurmad si ay ula tacaalaan xaaladan culus ee murugta iyo naxdinta leh intii ay kari karaan iyaga oo arrinkoodana u bandhigaya illaaha dhibta faydi kara kadibna ummaddooda iyo cid alla ciddii gurmadkaa wax kala qaban karta  Waxa guddida soo gaadhay lacag dhan $4,806,309.9 oo dollar halka ay kharash ahaan uga baxday lacag dhan $4,685,323.96 Dollar waxana soo hadhay oo hadda khasnada Guddidana ku jirta lacag dhan $120,985.94 Dollar.” Waxa sidaa yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Munaasibadan oo ahayd mid balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweyne ku xigeenka ahna gudoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyeyaasha iyo maayarada gobolada dalka qaar ka mid ah, xubno ka socday guddiyadii gobolada u fadhiyey guddida heer qaran, wasiiro, culimada dalka, xisbiyada qaranka, xildhibaano, haween iyo haldoorka bulshada Somaliland oo madashan ka wada muuqday, halkaasina badankoodu hadalo ay ka jediyeen waxay ka markhaati kaceen hawshii ay qaranka u hayeen guddidaasi inay ahayd mid culayskeeda iyo waayeheeda xambaarsanayd balse ay dhabar adag iyo dedaal daacadnimo ku dheehan tahay ay kaga baxeen, Allena ku asturay hawshaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.