Guddida Xakamaynta iyo Wax Ka Qabashadda Aafadda Tahriibka oo Kulan Yeeshay

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta wasaaradda Shaqaddda iyo Arimaha bulshadda kulan ku yeeshay Guddida heer Qaran ee xakamaynta iyo wax ka qabashadda aafada tahriibka, kulankan oo laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa tahriibka.

Kulankan oo ahaa mid ay warbaahintu dibadda ka joogtay, waxaana ka soo qayb-galay wasiiradda Waxbarashadda, Ciyaaraha, Shaqadda iyo Arimaha bulshadda, wasiir ku-xigeenka diinta iyo awqaafta, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Kulankan ayaa markii uu  soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Md. Axmed Cabdilaahi Obsiiye, waxaanu yidhi, “Waxaa lagaga hadlayey wixii hore looga soo qabtay arimaha tahriibka, ka hortagiisa iyo ka talo bixintiisa, iyo halka ay hawshu taagan tahay in halkaa laga qaado oo la dardar galiyo”.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa sheegay in wasaaradiisu ay heegan u tahay goor walba sidii wax looga qaban lahaa aafadda tahriibka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guddi heer qaran ay u magacaabay sideed wasaaradood kuwaasi oo uu faray inay ka soo talo bixiyaan sidii wax looga qaban lahaa aafadda tahriibka oo sahayatay dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah kuwaasi oo ku halaagsamay xeebaha iyo saxaraha Liibiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.