Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland Oo Tartan U Qabtay 204 Shirkadood Oo Ku Tartami Doona Mashaariic Dawladu Higalin Doonto

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida qandaarsyada qaranka Somaliland ayaa tartan u qabtay 204 shirkadood, kuwaas oo ku tartami doona qandaraasyda mashaariic ay xukuumadda Somaliland ka fulin doonto qaar ka mida gobolada dalka.

Gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in mashaariicda lagu tartamaayo ay ka mid yihiin laba cusbitaal oo laga dhisaayo dhinacyada bari iyo galbeed ee magaalada Hargeysa, dhisme loo dhisi wasaaradda macdanta iyo tamarta ee gobolka Saaxil, taas oo laga dhisi doono magaalada Berbera. Mashaariicda kale ee lagu tartami doono waxa ka mida raashin iyo gaadiid.

Nuux Maxamed Xuseen gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland wuxuu xusay in mashaariicdaas dhammaantood ay maal-gelin doonto xkuumadda Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in shirkadahaas loo tar-tan siindoono si cadaalad ah, iyadoo shirkadda ku guulaysatana dhawaan guddida qandaraasyadu ay shaacin doonaan.

Agaasimeyaasha waasaradaha caafimaadka, macdanta iyo gudoomiye ku-xigeenka hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ayaa soo dhaweeyay mashaariicdaas tartankoodu ka furmay xarunta guddida qandaasyada qaranka, waxaanay sheegeen inay tartankaas soo dhawaynayaan.

Ugu dambayn qaar ka mida masuuliyiinta shirkadaha ku tartamaaya mashaariicdaas ayaa soo dhaweeyay qaabka ay tartankaas u soo qaban-qaabiyeen guddida qandaraasyada qaranku, waxaanay ballan qaadeen inay ku qanci doonaan natiijada tartanka qandaraasyadaas ka soo baxda.