Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha Afraad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ka Xogwaramay Halka Ay Marayso Hawsha Qabsoomida Shirkaasi

Hargeysa – (warsoor) – Guddida qaban qaabada shirweynaha afaraad ee xisbiga Kulmiye ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayso hawsha qabsoomida shirkaas, oo qabsoomi doona horaanta bisha soo socota.

Xogyaha guddida qaban qaabada shirweynaha afaraad ee xisbiga Kulmiye Faysal Cumar Madar, ayaa sheegay in loogu talo galay inay shirkaas ka qayb-galaan kun iyo boqol ergey oo ka kala iman doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu intaas ku daray in hawsha diwaan gelinta ergooyinka oo socotay muudo taban maalmood ah ay is diiwaan geliyeen ama kaadhkii ka qayb-galka shirkaas ay qaateen sideed boqol iyo sagaal iyo todobaatan ergey.

Xoghaye Faysal wuxuu intaas ku daray in muddo todobaad ahi ka hadhay hawshii diiwaan gelinta ergooyinka iyo qaadashada kaadhadhka, waxaanu xubnihii is diiwaan geliyay u soo jeediyay inay xarunta xisbiga ka soo doontaan kaadhadhkooda.

Sidoo kale, Xildhibaan Carabayto oo ka tirsan guddida qaban qaabada shirweynaha afaraad ee xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in ay diyaariyeen nidaam caafimaad oo ay marayaan dhammaan ergooyinka ka qayb-galaysa shirkaas, iyadoo xarunta shirkaas ay ku diyaar yihiin dhammaan talaabooyinkii caafimaad ee loo baahnaa.

Waxa kale, oo isna ahlkaas ka hadlay Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif oo ah guddoomiyaha guddida qaban qaabada shirweynaha afaraad ee xisbiga Kulmiye oo dhamaan ergooyinka shirkaas ka qayb gali doona u soo jeediyay inay ilaaliyaan nidaamka loo dhigay qabsoomida shirkaas, si shirkaasu u noqdo mid u qabsooma si habsami ah.