Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI oo Musharraxiinta Ka Dalbaday Inay Soo Gudbiyaan Araajida

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha 2-aad ee Xisbiga WADDANI ayaa Musharraxiinta Hoggaanka Xisbiga ku baraarujiyay in ay dhawraan wakhtiga kuna soo xareeyaan araajida wakhtigii loo cayimay sida oo kalena liisaska ergooyinka ka qayb galaya shirweynaha lagu soo dhammaystiro wakhtigoodii.

Sida oo kale guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) waxa uu sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo bayaanka ay soo saareen Beesha Caalamka ee taageerta horumarka iyo dimuqraaddiyadda Somaliland kaas oo lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo xukumaddiisa ay go’an tahay in doorashada Madaxtooyada ee 2022 wakhtigeedii lagu qabto.