Guddida Ka Soo Kabashada Abaaraha Oo Maanta Kulan Isugu Yimid Madaxtooyada Ayaa Warbiximo Ka Dhegeystay Xubno Ka Mida Guddida

Hargeysa – (warsoor) – guddida ka soo kabashada abaaraha oo weli ku gudo jira dedaalkoodii qaadhaan ururinta ayaa kulan ku yeeshay maanta oo ay taariikhdu tahay 01.06.2017 madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kulankaasi daba socday kulamadii hore ee guddidu sida joogtada ah marwalba ugu kulmi jireen qasriga madaxtooyada.

Haseyeeshee kulankani waxa uu kaga duwanaa kuwii hore, waxay guddidu xubno ka mida ka dhegeysteen warbiximo muhiima oo la xidhiidha sida ay u socoto qaadhaan ururintu dalka gudihiisa iyo dibedaba.

Waxaana halkaasi warbixin muhiima ka soo jeediyey  Xasan Axmed Yuusuf oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda qurbajoogga Mofa, oo isagu soo bandhigay sida ay qaadhaanka isaga ururiyeen jaaliyadaha reer Somaliland ee yurub ku dhaqan, taasi oo muujisay sida loogu tartamayo in jaaliyad walba ay kaalin muuqata ka ciyaarto qaadhaanka ka socda gudaha iyo dibeda dalka, iyadoo guddiduna uga mahadnaqday sida ay isu xilqaameen ee ay u dedaaleen in kasta oo lagu kala horeeyo ilaa hadda dhinaca tartanka qaadhaan ururinta marka laga hadlayo yurub, waxaanay u soo jeediyeen jaaliyadaha ku dhaqan yurub ee sida weyn isha loogu hayo in aanay is dhigan ee ay dedaalkooda si kordhiyaan madaama oo waddamo aan la filaynin ay hoggaanka u hayaan gaadhaan ururinta kuwii la tuhunsana ee la filayey inay iyagu hormuudka u noqdaana ay hooseeyaan.

Sidoo kale waxay guddidu fariin u dirtay cid kasta oo ku yaboohday qaadhaanka inay xil gaara iska saaran oo ay ku soo bixiyaan sida ugu haboon kuna soo hagaajiyaan Akoonadan (Accounts).

Ø  BAANKA DHEXE: 880

Ø  DAHABSHIIL: HRGD60618

Ø  ZAAD: 4000101

Ø  E-DAHAB: 9444822

Ugu danbayntiina waxay guddidu waxay dardaaran iyo fariimo u sii dhiibeen xubno ka mida guddida oo iyagu safar la xidhiidha hawsha qaadhaan ururinta ugu bixi doona beri oo jimce ah imaaraadka carabta iyo kuwait sidii ay horeba u shaaciyeen guddidu, jaaliyadaha ku dhaqan dalalkaana waxa loogu baaqayaa inay guddida la shaqeeyaan inta ay la joogaan oo ay kaalintooda ka soo qaataan qaadhaan ururinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.