Guddida Ka hortagga iyo La Dagaalanka Covid19 oo Soo Saaray Go’aano Cusub

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddida Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Covid19 oo ee Somaliland ayaa go’aano cusub oo saaray oo la xidhiidha maalmaha ciida.

Guddidan ayaa go’aanada ay soo saareen ku sababeey fiditaanka xanuunka Covid19 iyo maalmahan oo ay aad u badato isku imaatinka bulshadda. Go’aanadda guddidana ayaa u dhignaa sidan:

1- in la joojiyey tukashadii salaadda ciidda iyo isku imaantigii bulshada

2- in aan la furi karin goobaha caruurta lagu ciyaarsiiyo wakhtiyada ciidaha

3- in la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadka muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa maalinta Ciidda ka horeysa wixii ka danbeeye kowda duhurnimo

4- iyo dugsiyada dalka la galiyey fasaxoodii caadiga ahaa laguna soo noqonayo Bisha July

5- in la joojiyey isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha u kala gudbaya magaaloyinka, waxana bulshada dhammaan la farayaa in qofkasta ku ciido gurigiisa

6- in aan Hotelada lagu qaban Karin wax caasumad ah oo kulmisa dad tiro badan

Goโ€™aamadan ayaa kusoo beegmaaya xilli uu xanuunka safmarka ee COVID19 uu si xawliya ugu fidaayo deegaanada Somaliland kaasi oo ay I jiifaan bukaan tiradoodu dhan tahay 110 islamarkaana ay u dhinteen 11 qof gud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee guddia ee ku dhawaaqista go’aanka: