Guddida Joogtadda Ee Baarlamaanka Somaliland oo Warbixina laga Siiyey Halka Ay Maryso Hawlaha Muhiimka Shaqo Ee Hay’adda Shaqaaluhu Qaranka U Hayso

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Masuuliyiinta kale hay’adda shaqaalaha, ayaa hortegay guddida joogtadda ee golaha wakiilada Somaliland warbixin ku saabsan hawlaha qaranka ay u qaabilsan yihiin wixii u qabsoomay iyo waxay haatan gacanta ku hayaana ay guddidu ka dhegaystay halkay wax u marayaan.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulanka ay guddida joogtada ee golaha wakiilada ee Baarlamaanka Somaliland ku hortegeen Madaxda Xafiiskooda Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, isaga oo hoosta ka xariiqay ka sakow warbixinta faahfaahsan ee hawlaha shaqo ee hay’addoodu qaranka u qaabilsan tahay ee ay gacanta ku hayaan iyo kuw ay fuliyeen ee ay guddida warbixinta ka siiyeen inay sido kale guddida Baarlamaanka ee joogtada ah u sheegeen inay dhawaan baarlamaanka hor keeni doonaan  xeerka Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb.07/96 ee siyaasadda lagu hagi doono shaqaalaha dawladda ka kooban.

Guddoomiye Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisa uu kaga warbixinaayo arintaasi u dhignaa sidan.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Maanta Warbixin siisay Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada JSL

-Subaxnimadii hore ee maanta ayey ahayd kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu hor tegtay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL halkaas oo warbixin buuxda iyo waydiimo isku waydaarsadeen guddida

-Intii Kulanku socday ayaan ka warbixinay hiigsiga fog ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, hayaanka loo marayo iyo hilinka ay hadda Hay’addu hayso

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa u sheegtay Xildhibaanada in aan dhawaan golaha Wakiilada hor keeni doonno xeerka Shaqaalaha Dawladda Sharci Lamb.07/96 oo wata dhammaan siyaasadihii loo baahnaa si ay kaabis iyo wax ka bedel kadib u ansixiyaan.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa sida oo kale Xildhibaanada Golaha Wakiilada uga warbixisay dedaalkii dheeraa ee loo galay helitaanka kaydka xogta Shaqaalaha Dawladda, samaynta siyaasadihii Kobcinta Shaqaalaha Dawladda iyo tallaabooyinka xiga

-Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada ayaa dhankooda waydiimo iyo xog-waraysi balaadhan la yeeshay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyaga oo ugu dambayn tallo, tilmaam iyo taageero-ba u muujiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.