Guddida Joogtada ee Golaha Guurtidda oo u Kuurgalay Biyo-gelinta Caasimada oo Gabo-gabo Mareysa

HARGEYSA – (WARSOOR) –  Guddida joogta ah ee golaha guurtidda Somaliland, ayaa kormeer ku tagay wakaaladda biyaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ku soo dhaweeyay maareeyaha wakaaladda biyaha, mudane Maxamed Cali Daarood.

Soo dhaweyn kadib maareeye Daarood ayaa guddida joogtada ee golaha guurtidda mid mid u soo tusay xafiisyada kala duwan ee wakaalada biyaha iyo shaqada ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale guddidu waxaa ay warbixin ka dhageysteen madaxa shaybaadhka tayada hubinta ee wakaalada biyaha, kana mida waxyaabaha u qabsoomay wakaaladda.

Waxaa kale oo intii guddidu goobta ku sugnayd ay kormeereen gaadiidka kala duwan ee ay soo iibsatay wakaaladda biyuhu, kuwaas oo uu maareeyuhu tilmaamay in ay wax badan ka tari doonaan wax ka qabashada adeegyada kala duwan ee ay wakaaladdu bulshada u qabato.

Intaas kadib waxaa ay maareeyaha iyo guddidu kormeer xog ogaal u noqosho ah ku soo sameeyeen qaar ka mida goobaha ay ka socoto biya-gelinta caasimada Hargeysa, kuwaas oo hadda intooda badani gabo gabo ku dhaw yihiin.

Maareeye Daarood waxaa uu xafiiska shirarka ee wakaaladda biyaha warbixin ku siiyay dhinacyo badan taabanaysa guddida joogtada ah ee golaha guurtidda. “Barkadda biyaha ilaa Tubutaariyadda ayaa shan bilood socday, halkii la doonayay in boqol mitir oo dhaw dhaw ugu yaraan, ayaa laga yaaba lix mitir in la dhigo, caqabaduna wax kale maaha, wax kale maahe xadhkihii laydhka ayaa ka buuxa oo gacanta cagafta lagu xidhayo, kharashkii ayaa kordhaya oo mashruuca ayaa waalanaya mashaakiilka ugu weyn ee na haysta waa kaas.

Sidoo kale dhagax ayaa muddo caqabad ku ahaa goobaha biyuhu soo marayaan, madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa go’aansaday in Miino loo isticmaalo 79 xabbo oo Anti Taangi ah ayaa loo isticmaalay, magaaladiina waxaa jirta caqabad aanu kala kulano dhulkan meel walba la sharciyeeyay iyo laydhadhkan meel walba maraya”

Dhanka kale Maxamed Cali Daarood waxaa uu ka hadlay mushkilada ka qabsatay hirgelinta keydka biyaha ee degmadda Gacan-libaax iyo qaabka ay u xaliyeen.“Halkani waa keydkii biyaha degmadda Gacan-libaax, ahna kan ugu hor dhammaaday keydadka magaalada, waxaanay goobtani leedahaya qiso gaara, qisadu waxaa ay tahay dhulkani waxaa uu ahaa mid cid gaar ahi si sharciya u leedahay, marka in muddo ah markii hawlaha la rog rogay,  markii danbe waxaa aanu isla garanay waar malaha bahashan sidan ugu fudud ee aad u xalin kartaan odayaashi magaalada in loo yeedho, ciddii ay khuseysay ee dawladdana loo yeedho, sida guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, duqa caasimada Hargeysa, iyo annaga oo ah wakaaladii biyaha, iyo xildhibaan Muuse oo ka socday golaha guurtidda isla markaana matalayay degmada Gacan-libaax.

maalinta waxaa laga saaray guddi koob iyo toban qof ah meesha, isla markaana odayaashi iyo waxgaradkii ayaa talo kadib mushkiladii meesha wada xaliyay, intaas kadibna dadka lacagtoodii ayaa la siiyay dhula way ugu dartay dawladda hoose ee Hargeysa, waana la raray dadkii iyaga oo habbi ah, dhulkii maalintaasi ayaanu ku wareejinay qoladan wada dhismaha, maantana dhismihii oo dhammaaday ayaynu joogna mahad ILLAAHEY ayaa iska leh, maalin kalena wuu inagu simi ILLAAHEY iyada oo la manaafacaadsanayo,”

Sidoo kale guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Cabdillaahi Yasir, ayaa meerayaha uga garaabay shaqada ay Qaranka u hayaan iyo caqabadaha hortaag. “Aad iyo aad ayaanu idinku mahad naqayna, hawl adag oo xasaasiya oo cid walba taabanaysa ayaad wadaan, waananu u jeedna in dhib xoogan idiin  soo martay idiina taalo welli, ILLAAHEY ayaanu idiin baryayna in uu idiin fududeeyo, waanad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad warbixinta noo siiseen, Idamka ALLE ummada ayaa ku abaal gudi,”

Xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mida guddida joogta ah ee golaha guurtidda Somaliland, ayaa si gaara fariin ugu diray bulshada qaybaheeda kala duwan waxaanu yidhi.  “Biyuhu waa nolosha bini’aadamka, haddii aanay biyo jirina nololi ma jirto weeyaan, walaalayaal magaalada Hargeysa baaralays ayay ka tahay biyaha’e, Baaraleyska yaynaan ku sii haynin, aad iyo aad iyo aad ayaad maareeye u mahadsan tihiin”

Gaba gabadii maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa, mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa rajo weyn ka muujiyay biyo gelinta caasimada Hargeysa, oo hadda mareysa meel gabo gabo ah.