Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka oo kulan la yeelatay xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Hargeisa- (warsoor) – Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku waxay kulan la yeelatay xisaabiyaha Guud ee Qaranka, maadaama oo ay Guddida hortaalo xisaab xidhka 2021.

u jeedada kulankani wuxuu ahaa faah-faahinta warbixinta xisaab xidhka 2021 ee xisaabiyaha guud xidhay, Hanti Dhawrka Guudna Golaha u soo gudbiyey.

Waxyaabaha lagaga wadda hadlay kulankan waxa ka mid ahaa, Deymaha Qaranka, Faahinta madaxyada qaar ee Miisaaniyadda, xisaab xidhada gaar gaar ee Wasaaradaha iyo Hay’addaha Madax-bannaan, sidoo kale hay’adda aan xisaab xidhkooda aan u soo gudbin Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Gebogebadii kulankan waxa Guddida iyo Xisaabiyaha guud isla qaateen in wixii macluumaad dheeri ah ee ku saabsan xisaab xidhka 2021 ay u soo gudbin doonaan Guddida.