Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qarank ee Golaha Wakiilada jSL oo kulan la yeeshay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qarankee Golaha Wakiilada jSL ayaa Maànta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire kulankaas oo ka dhacay xafiiska Wasiirka.

U jeeddada kulanka oo ahayd Gudbinta Miisaaniyadda Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka, maadaama oo Xeerka Hanti Dhawrka Guud ee Qaranku Xeer Lr. 76/2016 Qodobkiisa 56aad uu waajibinayo in Miisaaniyadda Xafiiska Hanti Dhawrku ay soo marto Guddida PAC ee Golaha Wakiilada.

Waxa ugu horeyn warbixin halkaas ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Dr sacad Cali Shire, Warbixintaas oo ka koobnayd, Qaab dhismeedka Wasaarada, Shaqaalaha Wasaarada iyo Nidaamka ay marto Diyaarinta Miisaaniyadda Guud ee Qaranka.

Dhanka Guddida waxa hadalka furay Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilahi oo ah Guddoomiyaha Guddida, isaga oo sharaxay ujeedada kulanka ay ugu tageen Wasiirka, taas oo daarnayd meel marinta iyo ka wada hadalka Miisaaniyada Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka. Sidoo kale waxa hadalo ka jeediyey kulankan Xildhibaanada kale ee Guddida, kuwaas dhammaantood iska dabamaray wadda shaqaynta Golaha Wakiilada gaar ahaan Guddida iyo sidii loo sii xoojin lahaa Wadda shaqaynta, isla Xisaabtanka iyo Daah-furnaanta dhammaan hay’adaha dawladda Guddiduna gacan ka gaysato dagabalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka. Dhanka kale waxa la isla qaatay wadda ilaalinta Sharciga, iyadda oo dhinac kasta sharciyada iyo Dastuurka dalka raacayso.

Khaddar Ali Khum