Guddida Hawlaha guud, Tiknoolajiyadda, Guryeynta & Dhulka oo kormeer ku tagey Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Soomaaliland


Hargeysa – (WARSOOR) – Guddida Hawlaha Guud Tiknoolajiyadda, Guryeynta, & Dhulka ayaan maanta waxa ay Kormeer indho indhayn ah ku tageen Hay’adda Duulista Soomaaliland, ugu horeyn waxaa xafiiska Hay’adda ku soo dhaweeyey Maareeyaha, Hay’adda oo xubnaha guddida uga war-bixiyey shaqada ay qaranka u hayaan, xubnaha guddida ayaa su’aalo kala duwan Maareeyaha halkaa ku waydiiyey, isagoo Maareeyuhuna si faahfaahsan uga jawaabay su’aalahaa ay xubnaha guddidu waydiiyeen.

Ugu danbeyn waxay Guddidu soo kormeereen qaybaha kala duwan ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, waxaa halkaa ku soo dhaweeyey Maamulaha Madaar oo guddida soo tusay qaybaha kala duwan ee Madaarka.

Warbaahinta Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland