Guddida Doorashooyinka oo ka Hadlay Diwaangelinta Codbixiyayaasha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac),  ayaa bogaadin iyo mahad-naq u jeediyay dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay diwaangelinta codbixiyayaasha.

Sidoo kale waxaa uu in diwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland, Bogaadin iyo Mahadnaq u jeediyay dhammaan dhinacyada Diiwaangelinta Codbixiyayaasha kala shaqaynaya Komishanka, isagoo sidoo kalena sheegey in ilaa hadda ay si fiican u socoto, islamarkaana ay si guuleh ku dhammaatay labadii waji ee hore ee lagu diiwaangelinaayay codbixiyayaasha gobolka Awdal iyo degmooyinka Salaxley, Gabiley, Baligubadle iyo Hargeysa.

Dhanka kale waxaa uu  intaas raaciyay in  ay gudo-galayaan diiwaangelintii gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer oo u qaybsanaan doona laba waji, wajiga saddexaad iyo wajiga afraad.

Guddoomiye Eng. Cabdirashiid Riyo-raac ayaa si weyn u soo dhaweeyay wada-shaqaynta iyo Taageerada ay muujiyeen axsaabta Qaranka, xukuumada, ciidamada ammaanka, jaamacadaha dalka, hawl-wadeenada dhalinta yar ee Komishanka ee ka shaqaynaaya gooabaha Diiwaangelinta iyo sidoo kale hay’addaha, dalalka iyo Qaadhaan-bixiyayaasha la shaqeeya guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland,  isla markaana taageera hannaanka Dimoqraadiyadeed ee JSL.