Guddida Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Saaray Jadwalka khudbadaha Musharaxiinta

Muqdisho – (warsoor) – Guddida Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Salaasadan soo saaray shaxda jadwalka khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo socon doonta muddo saddex maalmood.

Dooda ayaa bilaabi doonta maalinimadda khamiista 9 subaxnimo, waxaana dooda maalinta koowaad ka qayb-qaadan doono 8 madaxweyne musharax oo mid kastaaba golaha ka horjeedin doono khudbadiisa musharaxnimo, khubadan ayaa la filayaa in la soo gabo-gabeeyo 5 February 2017.

Guddida Doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ayaa saddex shuruudood ku xidhay musharaxiinta doonaya inay golaha shacbiga Soomaaliyeed ka horjeediyaan khudbad, waxanay musharaxiintu fulin doonaa saddexdan shuruudood ka hor inta aanay bilaabi khudbadahooda:

  • Musharaxiinta Madaxweynaha JFS waa in ay soo gudbiyaan nuqul ka mid ah barnaamijkooda oo waraaq ah iyo mid soft copy ah 24 Saacadood ka hor khudbada hadal-jeedinta musharixiinta.
  • Musharax walba waxaa loo ogol yahay laba xubnood inay la galaan goobta hadal-jeedinta.
  • Goobta hadaljeedinta musharax walba waxaa mamnuuc ka ah HUBKA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Guddida Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya oo Soo Saaray Jadwalka khudbadaha Musharaxiinta

Muqdisho – (warsoor) – Guddida Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Salaasadan soo saaray shaxda jadwalka khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo socon doonta muddo saddex maalmood.

Dooda ayaa bilaabi doonta maalinimadda khamiista 9 subaxnimo, waxaana dooda maalinta koowaad ka qayb-qaadan doono 8 madaxweyne musharax oo mid kastaaba golaha ka horjeedin doono khudbadiisa musharaxnimo, khubadan ayaa la filayaa in la soo gabo-gabeeyo 5 February 2017.

Guddida Doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ayaa saddex shuruudood ku xidhay musharaxiinta doonaya inay golaha shacbiga Soomaaliyeed ka horjeediyaan khudbad, waxanay musharaxiintu fulin doonaa saddexdan shuruudood ka hor inta aanay bilaabi khudbadahooda:

Musharaxiinta Madaxweynaha JFS waa in ay soo gudbiyaan nuqul ka mid ah barnaamijkooda oo waraaq ah iyo mid soft copy ah 24 Saacadood ka hor khudbada hadal-jeedinta musharixiinta.

Musharax walba waxaa loo ogol yahay laba xubnood inay la galaan goobta hadal-jeedinta.

Goobta hadaljeedinta musharax walba waxaa mamnuuc ka ah HUBKA.