Guddida Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya oo Sheegay in Doorashaddu Dhici Doonto intaanu sanadku 2016 Dhamaan

Muqdisho – (warsoor) – Guddida doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku dhawaaqay inay doorashadda madaxweynaha ay dhici doonto ka hor inta aan la gaadhin sanadkan cusub ee 2017.

Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Dadban Cumar Maxamed Cabdulle ayaa ku dooday in hawlihii doorashooyinka ee aqalka Sare iyo ka hoose ee Soomaaliya ay intoodii badnayd dhamaystiran yihiin, sidaasi daraadeedna ay qaban doonaan doorashadda madaxweynaha ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo ka hadlaya suurto-galinimadda qabsoomidda doorashadda ayaa yidhi, “Nooma qorsheysna in doorashada sanadkaan ka dib dhacdo 2016, mana gaadhi doonto 2017”.

Maamul goboleedyadda Soomaaliya ayaa qaarkooda aanay wali soo dhamaystirin xubnihii u matali lahaa labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka koobnaan doono ee kala ah aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

gudoomiyaha-doorashooyinka-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.