Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo wax ka beddelo ay ku sameeyeen miisaaniyadda u soo jeediyey Golaha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa saaka guddo galay doodda odoroska Miisaaniyada 2022-ka, oo muddooyinkii u dambeeyey ay gacanta ku hayeen guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golahaasi.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada oo uu guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa fadhigan warbixin la xidhiidha Miisaaniyadda ka hor akhrinaya Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Xildhibaan Cabdirashiid Cago weyne.

Guddida dhaqaalaha oo muddo laba toddobaad ah lafo gurayey Miisaaniyadda, ayaa golaha u soo jeedinaya tallooyin wax ka beddel oo la xidhiidha Miisaaniyadda.

“ Waa in kaalmada la siiyo kooxaha fanaaniinta qaranka ay si siman ugu qaybiso wasaarada warfaafintu .”

Qodobkan ayaa ku jiray go,aamada ay soo jeediyeen gudiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada in lagu daro miisaaniyada qaranka.

Sidoo kale, Guddidan waxay ku talisay in Dawladda hoose ee Gebilay isticmaasho Miisaaniyad sannadeedkii hore ee 2021-ka.

Sidoo kale Guddidu waxay wax ka jartay kharashaadka Wasaaradduhu isticmaalaan qaarkood.