Guddida Abaaraha ee Heer Gobol oo Lacag Ka Gudoomay Dumar Qurbe-joog

Boorama – (warsoor) – Guddida Abaaraha ee heer Gobolka ayaa lacag deeqa oo dhan $7,700 ka gudoomay dumar qurbe-joog ah oo ka soo jeeda gobolka Awdal oo ku nool dalka Qadar.

Guddida ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama waxaanay hambalyo iyo duco u bogaadin loo diray dumarka ka qayb-galaya gurmadka loo fidinaayo dadkii abaaraha ku aafoobay.

Sheekh_dhawalGudoomiyaha Gudida Abaraha ee Gobolka Awdal Sheekh Maxamed Dhawal ayaa u mahadnaqay dumarka soo gaadhsiiyey taakulaynta guddida Abaaraha ee heer gobolka, waxanu yidhi, “Halkan waxaa ku qabanayaa hablo reer Qadar ah oo Somaliland ah oo soo dirsaday $7,700 oo ku soo caawiyey walaalahooda ku tabaaloobay abaarihii goboladdan ka dhacay iyo Somalilandba. Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa hablahaa, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu waxaa ay la soo baxsadeen miisaanka xasanaadka ugu biiriyo”.

Gobolka Awdal waxaa ka dhacay abaaro aad u daran waxaan bilihii February iyo March 2016 u dhintay dad caruur iyo waayeelba iskugu jiray, waxaana ku dhamaaday kumaan xoolo ah.

Dawladda Somliland ayaa ku dhawaaqday gurmadd degdeg ah waxaan qof, xukuumadda iyo ganacsataba looga qayb-qaatay taakulaynta dadka abaaruhu aafeeyeen. Waxaana ilaa hadda goboladda dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen ka socda taakulaynta abaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.