Guddida 18-May Ee Ka Soo Kabashada Abaaraha Oo Hay’addaha Islaamiga Ah Iyo Kuwa Maxaliga Kulan Kula Qaatay Qasriga Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 May, 2017 waxa madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland kulan muhiima ku yeeshay Guddida 18-May ee ka soo kabashada abaaraha ee Madaxweynaha JSL magacaabay  iyo hay’adaha islaamiga ah iyo kuwa maxaliga ee dalka ka jira.

Shirkaaasi oo ay joobjoog ka ahaayeen xubnaha guddida soo kabashada abaaraha ayaa waxa gudoominayey Wasiirka Madaxtooyadda mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ahna gudoomiyaha guddidaasi.

Ujeedada kulankaasi xambaarsanaa ayaa ahayd sidii ay hay’adaha islaamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba ay qayb uga noqon lahaayeen qaadhaanka mashruuca balaadhan ee 10 Milyan ee doolar loogu tallo galay inay ku baxdo.

Kulankaas waxa la islays kula qaatay oo ay balan qaadeen hay’adaha islaamiga ah iyo kuwa maxaliga ahiba iyagoo ka wakiil ah dhamaan shaqaalahooda iyo masuuliyiintoodaba inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan sida ugu dhakhsaha badan qaadhaanka lagu taakulaynayo dadka abaartu haleeshay.

Ugu danbayntiina waxa shirka soo xidhay oo u mahadnaqay hay’adaha islaamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba gudoomiyaha guddida, ahna wasiirka wasaaradda madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu yidhi “Masuuliyiintaasi waxaannu kala hadalnay inay nala wadaagaan wixii tallo ah ee la xidiidha mashruucan qaran ee ka soo kabashada abaarta maadaama oo ay yihiin dad samafalka ka hawl gala. Waxaanu u sheegnay in  hay’addaha islaamiga ah iyo kuwa samafalka ee wadaniga ah aannu ka doonayno qaadhaan mug leh, oo ay kaga qayb galaan mashruucan iyo qaadhaan ururinta guud, Hay’ad waliba inay isku noqoto oo iyadu is xukunto ayaanu doonaynaa.”

Wasiiirka ayaa sidoo kalena yidhi “Waxa kale oo aanu kala hadalnay in wixii mashaariic ka soo kabashada abaaraha saamayn ku leh, waxa weeye in wasaaradda qorshaynta loo soo gudbiyaa, waana inay guddidani haysaa, waa in daraasadaha hay’adahaasi qaadayaan aannu tallo ku yeelanaa Xukuumad ahaan, mashaariicdaasi meelaha laga fulinayo. Waxaannu xukuumad ahaan doonaynaa in isku xidhka guddida ka soo kabashada iyo hay’adaha islaamiga aanu gacan adag ku qabano, oo mashaariicda aynu samaynaynaa ay kuwo wada socda noqdaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.