Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiillada JSL Oo Warbxin Ka Horjeediyey Golahaas

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbixin ku saabsan xeerka hay’adda Dekedaha Somaliland ka jeediyey fadhigii maanta ee golahaas.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiillada Somaliland mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa mudaneyaasha golaha wakiillada warbixin ka hor jeediyey Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha, taas oo ku saabsanayd xeerka hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna xildhibaanku sheegay mar ay kormeer shaqo ku tageen Dekedda Berbera ay ogaadeen in ay ka shaqeeyaan in ka badan laba kun oo qof, kuwaas oo ah xoog ay Somaliland leedahay isla markaana ay tahay hay’ad muhiimad ballaadhan ugu fidhida qaranka iyo shaqo abuurka dalka, isaga oo intaas ku daray in marka ay dhamaato casriyeynta iyo ballaadhinta Dekeddu ay wax weyn ku soo kordhin doonto shaqo abuurka iyo horumarka guud ee Somaliland.

Waxa kale, oo uu xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, sheegay in habka diyaarinta xeerka ay tahay in kulamo lala yeesho cidkasta oo qayb ka ah xeerka, inta aan golaha loo soo gudbin haday yihiin dadweynaha, dadka aqoonta u leh iyo masuuliyiinta maamula Dekedaha si wax looga weydiiyo looguna sameeyo kaabis iyo wax ka bedel ayna soo mariyeen habkaas xeerka hay’adda Dekedaha Somaliland, wuxuuna xildhibaannada mudaneyaasha golahaas ka codsaday in ay ansixiyaan marka ay wax ka bedelka iyo kaabista ku sameeyaan tixgeliyaana muhiimada uu qaranka ugu fadhiyo xeerka hay’adda dekedaha Somaliland.