Goolkii Md Muuse !

Hayaay waa handaraab, madaxtooyadii lagama shaaheeyo, lacagtii xukuumadaha laga daldalan jiray wuu handaraabay, meherado badan oo xukuumadaha ku tiirsanaan jiray ayuu xidhay, qandaraasyadii sida qabow loo qaadan jiray ayuu daahir yaa shamis ka dhigay, tiisuu haystaa, talo ma qaato, odayaashii madaxtooyada hor dhoobnaan jiray wuu ka xidhay, arrimahaas iyo kuwo la mid ah ayaa dhagaheena ku soo duulayay mudadii uu talada Dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi.

Wax waliba waxay is bedeleen oo shacbiga reer Somaliland ay sacab isla oogsadeen markii si lama filaan ah uu Madaxweyne Biixi bulshadiisa ugu sheegay inay Xukuumadiisu doorashadii dalka ka qabanayso, dhaqaalaheedana bixinayso, amnigeeda iyo hawsheedana ay dhabarka u ridan doonto iyaga oo aan dal shisheeshe sacabada hoos dhigan, lagana dhigi doono doorasho isku sidkan oo culayskeeda lahayd.

Si yaab leh oo wax walba si heshiis ah la isula ogolaaday ayuu hoggaanka u qabtay, Xisbiyadii mucaaridka ee ay fiintu dhex miran jirtay ayuu kalsoonidoodii hantay, waxaana buuq la’aan la isula qaatay doorasho wakhtigeega ku dhacda oo xor ah oo xalaal ah.

31kii May oo ahayd maalintii doorashada waxa Madaxweyne Biixi uu sii daayay dhaqaalihii lagu hawl galayay, iyo kumanaan Ciidamada Somaliland ka tirsan oo goob kasta iyo gees kasta ka hawl galay, waxaana Ololihii doorashada, Cod bixintii doorashada iyo ku dhawaaqidii natiijada doorashaduba ay ku soo dhamaadeen si nabad gelyo ah oo aanay deero-deero hirdiyin.

Hawshaas taariikhiga ah waxaa dheer in Madaxweynuhu ka gaabsaday isla markaas xubnaha xukuumadiisa ka xakameeyay inay wax faro-gelin ah ay ku sameeyaan doorashada, inaga oo ogsoon dhaqanka Afrika ka jira ee ay xukuumaduhu wax is dhaaf-dhaafiyaan.

Waxba aniga oo aan ku dheeraan qoraalkayga waxaa hubaal ah in Goolka u weyn ee guusha doorashada uu dhaliyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaasna lacagtii uu handaraabay uu ku bixiyay meelihii ay munaasibka ku ahayd sida kharashka Doorashada, dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada qaranka ee kala duwan iyo mashaariicda horumarineed ee kala duwan sida caafimaadka, baliyada iyo ceelasha biyaha iyo waxbarashada gaar ahaan dhismaha iskuulo tiro badan.