Google oo Heshiis Adeegga Internet-ka Tiifiiga ah La Gashay CBS

Google – (warsoor) – Sida laga helaayo ilo-wareedyo si dhow ula socda heshiiskan ayaa sheegay in Qaybta Alphabet Inc ee shirkadda Google ay heshiis la gashay Telefishanka caanka ah ee CBS si uu barnaamijyadiisa ugu baahiyo shabakadda TV-yadda laga daawo internet-ka.

 Heshiiskan ayaa la filayaa inuu dhaqan karo saddex biloodka ugu horeeya, waxaanu Telefishanka CBS bilaaabi doonaa adeegyaddiisa oo ay ku mid yihiin geemamka NFL ee tooska loo ciyaaro.

Shirkadda Googla ayaa isku dayeysa inay bixiso xidhmooyin yaryar oo ay bishii qaadi doonto $30 ilaa $40.

Ila-wareedyo kale ayaa sheegay in shirkadda Googla ay qarka u saran tahay inay heshiis la gasho shirkadda qaybisa Filmidda ee  Twenty-First Century Fox.

Wargeyska Wall Streeta ayaa markii ugu horaysay sheegay wararkan, waxaanu yidhi Google waxay heshiisyo hor dhac ah la bilowday Walt Disney oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn Maraykanka ee sameeya filimadda iyo madadaalooyinka.

Shirkadda Google iyo Disney ayaa iyagu wax war ah ka soo saareen wada xaajoodyaddan la sheegay inay bilaabeen. Balse waxaa iyagu heshiisyaddan shaaciyey oo ka hadlay CBS iyo Fox.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.