Golaha wasiirradda Somaliland Oo Ka Dooday Wada-shaqaynta Xukuumadda iyo Hay’adaha Ajaanibka ah ee Dalka Ka Hawlgala

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/11/2018, waxa lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qaramada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl-galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, golaha wasiirraddu iyagoo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.