Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay siyaasadda isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada

Muqdisho – (warsoor) – Golaha wasiirrada DF Somaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa isugu yimid maanta,ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo ansixinta qaab siyaasadeedka dowladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada, waxaana shir-gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa laga dhageystay warbixinta amniga ka dibna waxey golaha u soo jeedisay in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 isbuuc ah hortaallay golaha.

golaha_wasiiradda_soomaaliya

Qaab siyaasadeedkan ayaa ka hadlaya sida loola dhaqmayo dadka ka soo laabta xag-jirnimada, golaha wasiirrada ayaana maanta si rasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka loo wajahayo.

Wasaardda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa golaha warbixin ka siisay howlgallo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DANAB ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

Wasiirka difaaca Soomaaliya jeneraal;C/qaadir Sh,Cali Diini,ayaa sheegay in horjooge qabiir ku ahaa sameeynta qaraxyada oo ka tirsanaa kooxaha argagaxisada in gacanta ay ku soo dhigeen ciidanka sooma jeestayaasha ah ee DANAB, wuxuuna wasiirka sidoo kale sheegay in maleeshiyaad badan oo katirsan nabad-diidka lagu dilay howlagalladaas.

Wasiirka waxuu golaha ka hor sheegay in DANAB ay yihiin ciidan ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed islamarkaana u tababaran cirib tirka argagixisada.

Sidoo kale golaha wasiirrada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa boogaadiyay isla markaana amaanay dhammaan ciidamada qalabka sida gaar ahaan sooma jeestayaasha DANAB.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo soo xiray shirka ayaa ku boorriyay dhammaan Wasiirrada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir xigeennada in la ilaaliyo hantida dowladda waqtiga isbadalka lagu jiro, isla markaana la laba-laabo howsha ay Ummada Soomaaliyeed u hayaan,kana fogaadaan wax walba oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed si dalka ay uga hirgesho doorasho xor ah.

SONNA/News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.