Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Shirkoodii 71aad Ku Go’aamiyey Qodobbo La Xidhiidha Doorashooyinka, Abaaraha Iyo Xanuunka Covid 19

HARGEYSA – (WARSOOR) – War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhay wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa u dhignaa sidan:-

Fadhigii 71aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha doorashooyinka, abaaraha soo foodsaaray meelo dalka ka mid ah iyo arrimo kale.

Ugu horrayn golaha wasiirradu waxay fadhigii maanta ku lafo-gureen in la xoojiyo amniga waqtiga doorashada is-barkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan 31-05-2021-ka.

Waxa kale oo goluhu isla qaatay sida inshuruucda doorashooyinku dhigayo warbaahinta dawladda oo ah hanti qaran, ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka, lana sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta dawladdu maamusho.

Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen.

Goluhu isaga oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta.

Ugu danbayntiina waxa uu goluhu isku raacay in si buuxda la soo celiyo wacyigelintii ka hortagga xanuunka Covid 19 oo wakhtigan dunida ku soo laba kacleeyey, lagama maarmaanna ay tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi si loogu diyaar garoobo