Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyad Sannadeedka 2019-Ka

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka.

Odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka  ee ay maanta ansixiyeen xubnaha golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah miisaaniyadii  27-aad ee qaranku yeesho, ayaa ka kooban miisaaniyadda guud ee dawladda dhexe, hay’adaha madaxa bannaan, Dawladaha hoose iyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, iyadoo dhan, 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling.

Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka dawladda dhexe ee 2019-ka, oo dhan  1,823,975,720,000 (Hal tiriliyan, siddeed boqol saddex iyo labaatan Bilyan, sagaal boqol iyo shan iyo Toddobaatan milyan, Toddoba boqol iyo Labaatan kun) oo Somaliland shilling ah, waxana ay miisaaniyad-sannadeedkii hore ee 2018-ka ka badan tahay 8% (Boqolkiiba siddeed).

Miisaaniyad sannadeedka 2019-ku waxay diiradda saaraysaa, Amniga, Xoojinta iyo tayeynta garsoorka, Waxbarashada, Biyaha, Caafimaadka, Xoolaha kalluunka, Beeraha, Tamarta iyo Macdanta, Deegaanka, Aqoonsi-raadinta, Doorashooyinka, iyo daryeelka shaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood iyo falanqayn dheer ay xubnaha golaha wasiirradu  ka yeesheen odoroska miisaaniyadda 2019-ka, waxa uu cod geliyey miisaaniyadda, waxana oggolaaday 28-wasiir, halka 2-xubnoodna ka aamuuseen, cid diidayna aanay jirin,  waxana sidaas ku meelmaray odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ee qaranka, taas oo u gudbi doonta golaha wakiillada oo waajibaadkooda distooriga ah ka gudan doona.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.