Golaha Wakiillada Somaliland oo horkeeni doono odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in maalinta Isniin Golaha la horkeeni doono odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka, kaas oo ay Goluhu ka doodi doono.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, oo ka hadlayey fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo laga hor akhriyey xisaab xidhka 2020-kii, ayuu Guddoomiyuhu xusay in Goluhu shaqayn doono shan maalmood toddobaadkan, maadaama Golaha horyaalaan hawl badan oo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda iyo ansixinta Masuuliyiin madaxweynuhu magacaabay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, waxa uu xusay in mudaneyaasha Wakiilladu wakhtiga ilaaliyaan, kuna tala galaan in Isniinta illaa arbacada ay shaqayn doonaan laba gelinba, madaama oo Golaha gudo galayo doodda Miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.

Guddoomiye Khaliif waxa uu sheegay in Axadda berri la ansixin doono Masuuliyiin Madaxweynuhu magacaabay, isaga oo ka codsaday guddiyada gacanta ku haya masuuliyiintaan CV-yadooda in y golaha u soo gudbiyaan.