Golaha Wakiillada Somaliland oo hakiyey dhammaan addeegyada Hay’adda Caymiska Qaranku

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa hakiyey dhammaan addeegyada Hay’adda Caymiska qaranku u qabato shirkaddaha bixiya Caymiska.

Mooshin Golaha wakiilladu ka keeneen dooddii maalmihii u danbeysay ka taagnaa Adeegga Caymiska ee kootada loogu xidhay Shirkadda Amaanah, ayaa Mudaneyaasha Goahaasi waxa ay mooshinkan ku soo jeediyeen in la hakiyo adeegyada caymiska inta la dhamaystirayo xeerka ay ku shaqaynayaan

“Golaha Wakiiladdu, waxa uu soo jeedinayaa in ay Hay’adda Caymisku hakiso dhammaan adeegyada caymiska ee shirkadduhu bixiyaan iyo takaaliifta illaa inta Xeerkoodu ka gudbayo sharci dejinta, isla markaana dhaqan geliyo xeerka Shirkaddaha Caymiska ee Golaha horyaalla.” Ayaa lagu yidhi Mooshinkan Goluhu ansixiyey, waxaana intaasi ku daray

“In guddida dhaqaaluhu muddada ka hadhsan kal-fadhiga Golaha, ku soo xaqiijiyaan ku haboonaanta Masuuliyadda xil-gudasho ee Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Hay’adda Caymiska, isla markaana ka soo talo bixiyaan, una soo gudbiyaan Golaha Wakiillada”