Golaha Wakiillada oo la Kulmay Masuuliyiin ka socday Baanka Adduunka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, waxay kulan laba casho socday la qaateen Madax sare oo ka socotay World Banka oo Hogaaminayey Frederick Yankey iyo xubno kale.

Kulankan waxa qayb ka ahaa Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka iyo Madaxa Wasaarada Maaliyada u qaabilsan dib u habeynta Maamulka Maaliyada (PFM).

Waxa kulankani ahaa kulan lagu lafo gurayey Wadda shaqaynta World Banka, Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka, Wasaarada maaliyadda iyo Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka.

World banka oo ka taageera qaybhaas kala duwan dhanka Tababarada, la-taliyayaasha Xisaabaadka iyo Maaliyadda, qalabaynta xafiiskyada, Tababarka iyo taayeynta Shaqaalaha ka qasheeya Hay’adahaas kala duwan.

Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka oo si gaar kulan gaar ah ula qaatay Madax World Bank, kulankaas oo ka dhacay Xafiiska Guddida ee Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland. Iyaddoo dhammaan dhinacyadu isula qaatay si buuxda la isula shaqeeyo, iyadda oo Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku Golaha Wakiilada u qaabilsan tahahy dhanka Xisaabaadka dawlada iyo dib u eegista Warbixinta Xisaab-xidhka ee saanad walba  Hanti dhawrka Guud ee Qaranka ka diyaariyo Miisaaniyadii Qaranka ee la ansixiyey.

Iyaddoo ugu dambeyntii World Bank iyo Guddida si buuxda isula qaateen xoojinta Xidhiidha Guddida iyo World Bank, Maadaama oo World Bank Somaliland kala shaqaynayey dib-u-habeynta Maamulka Maaliyadda, iyadda oo qayb ka tahay maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.