Golaha Wakiiladu ma KORODHSIIMADII Shanaad ayey isu Diyarinayaan?

Xildhibaanada golaha Wakiilada JSL ayaa tan iyo markii lagu soo doortay doorashadii dalka ka dhacday 29 September 2005 ayaa muddadaasi intii ka dambaysay golaha Guurtidu qalinka ku duugeen laba korodhsiimo muddo-xileedkooda min shan sanadood ah, kadib markii muddo xileedkii sharciyada ee shanta sanadood u horeysay ku dhamaanaysay 27/7/2015 . Golaha wakiilada ayaa sidoo kale muddadii ay xilka fadhiyeen mushahar bileedka ay qaataan kordhistay laba jeer, hadanu mar saddexaad jirin! sidoo kalena golaha Guurtida mushahar kordhin ugu ansixiyay xeerka kala xadaynta mushaharka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland Ayaa mar SADDEXAAD Fadhi ay yeesheen 28 July, 2015, muddo kordhin sanad iyo toban bilood ah u kordhiyey Xukuumada iyo golaha wakiilada, oo muddo xileedkoodu dhamaanayey July2015, una sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

 

Mar AFARAAD ayaa golaha Guurtidu ogolaaday fadhi ay yeesheen 6dii March, 2017 in doorashada golaha WAKIILADU  qabsoonto  April, 28,2019.

Baaq daladda Ururada Bulshada Rayidka ah (SONSAF) soo saareen bishii saddexaad ee dannadkan oo la xidhiidhay caqabada dib-u-dhaca dooarshooyinku ku yeesheen guud ahaa dalka iyo horumarkiisa dhinacyada kala duwan ayaa lagu sheegay, “Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay is ku raaceen in dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanku uu saamayn taban ku yeelan doono Somaliland horumarkeeda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulshaba, sidaa daraadeed Ururada Bulshada Rayidka ahí waxa ay ku baaqayaan in aan marna Bulshada Somaliland aqbali doonin dib u dhac dambe oo ku yimaadda doorashada Golaha Wakiilada oo muddo dhaafay in ka badan toban sanadood iyo Golaha Deegaanka oo mudo dhaafay laba sano ku dhawaad.

Talooyin kama dambays ah oo ururada ku midoobay daladda SONSAF soo saareen ayey ku baaqeen in doorashooyinka loo qorsheeyey sannadka dambe hadii Ilaah yidhaahdo ee Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanada xilligii loo qorsheeyey ay ku dhacaan, kana mid ahayd hadalkooda,

  1. In doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Deegaanka la qabto xiligii loo muddeeyey 2019, waana in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keenaya qabsoomidda doorashadaGolaha Wakiilada iyo Degaanka ee isku lamaan.

Haddaynu soo aragnay xilliyada kala duwan ee Goleyaasha Baarlamaanka JSL (Guurtida iyo Wakiiladu) oo dannahooda eeganaya isku-sameeyeen muddo-kordhin, dhab ahaantii, aan lagu qasbanaadeen hadii cid walba waajibaadka kaga beegnaa qabsoomida doorashooyinka ka soo bixi lahayd, lagulana xisaabtaami lahaa dhinacii ka gaabiya, soomaalidu waxay tidhaahdaa “Meyd maxaa u dambeeya, iyo Kaa la sii sido” xilligan aynu taaganahay maanta 31 August, 2018, waxa mudadii loo qorsheeyey qabsoomida doorashooyinka aynu saadaalinayo ka hadhay wax ka yar sannad ama sagaal bilood, qorshaheedii iyo hanaankii ay ku dhici lahaydna weli waa QABYO, ama ciddi masuuliyadeeda lahayd uma diyaarsana inay gudato xilkeeda?

Qabyooyinka hortaagan qabsoomida doorashooyinka Wakiilada & Deegaanada ee sannadka dambe, oo kala duwan haddana, waxaad odhan kartaa ta koowaad ama ugu muhiimsani waa dhinaca sharciyadii ay ku qabsoomi lahaayeen, oo xilkeedu saaran yahay golaha WAKIILADA JSL ( Akhrise ogow waa golahii hore AFAR jeer muddo xileedkooda la soo kordhiyey), haddaba miyaanu midkeena odhan karin wakhtigana wakiiladu uma diyaarsana inay qabsoonto doorashadu, oo ay ansixiyaan shuruucda lagama maarmaanka u ah ee golahooda hortaala muddo imika laga joogo sannad badhkii, hadaanay ka badnayn-ba!.

Waxaan kaga baxayaa, nin baa laga hayey “Walee Ciridkaan arkayaa-Ilko kama soo jeedaan” haatan waxaan odhan lahaa, BULSHADA reer Somaliland-neeeeeeeeeeeey, ma filayo nimankaa golaha Wakiilada iyo aqalka jaarkooda ee Guurtidu diyaar u yihiin doorasho dalka ka dhacda, oo sabab u noqon doonta inay gacmahooda ku gooyaan dhaqaalaha aan ka go’in bulshadeeda ee sida fudud gacmahooda ugu qorteen, markaad hoos u dhugatid, kaftan xaqiiqdii ka muuqato halka ay ka taagan yihiin qabsoomida doorashada. Nin ka tirsan xildhibaanada golaha Wakiilada ee madaxda u ah guddiyada Wakiilada midkood oo muddo laba bilood horteed maalin aan ku kulanay afaafka golahooda ayaa ula holaday su’aal ahayd, “Xildhibaan maxaa hortaagan ansixinta xeerarka idin horyaala ee qabsoomida  doorashooyinku u xaniban yihiin? Jawaabtii igaga soo noqotay waxay ahayd “Annagaa hortaagan (Wakiilada) ee waxaad samayn kartaan (Bulshada reer Somaliland) sameeya!, hadda ogow akhriste, odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahdaa “Reer-Magaal Kaftankuu RUNTA iskugu sheegaa!

Qore: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.