Golaha Wakiiladda Somaliland oo Tababar Loo Soo Gabagabeeyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Isniin 02 September 2021 Kulan hawleed laba maalmood socday oo lagu Tabobarayey Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta la soo gebagebeeyey.

Kulan hawleedkan ayaa Xildhibaanada waxa lagu barayey shuruucda Dalka, wada shaqaynta Hay’addaha Dawlada, gudashada waajibaadka Shaqo ee golaha iyo hababka loo maro.

Shirgudoonka Golaha iyo Madaxda wasaarada Xidhiidhka golayaasha ayaa kelmado mahadnaq iyo dardaaran ah ku soo xidhay.