Golaha wakiiladda Somaliland oo ansixiyey labadii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka qaranka

Hargeysa – (WARSOOR) – Mudanayaasha golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo fadhi ay yeesheen ku ansixiyey labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matalayey guddida doorashooyinka qaranka ee Somaliland.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa ka soo xaadiray 53 xildhibaan, waxayna mudanayaasha golaha wakiiladdu cod gacantaaga si kalikali ah ugu codeeyeen la bada xubnood ee ay ansixiyeen.

Markii ay codayntu dhamaatay waxa natiijada cod qaadista si rasmi ah ugu dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax, oo sheegay in C/fataax Ibraahin Xasan ay ogaalaadeen 49 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 3 mudane, iyada oo aanay jirin cid diiday wuxuuna ku ansaxay sidaas.

Waxa kale, oo uu guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ku dhawaaqay in C/kariin Yaasiin Sheekh Dalmar ay ogolaadeen 51 xildhibaan, halka uu ka aamusay hal mudane, iyada oo aanay jirin cid diiday waxaanu ku ansaxay sidaas.

Waxayna labadan xubnood ee ay mudanayaasha golaha wakiiladdu ansixiyeen ay sidaas ka mid noqonayaan todobada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.