Golaha Wakiiladda Somaliland oo Ansixiyey Heer-hoosaadka Golaha

HARGEYS – (WARSOOR) – Kalfadhgii Golaha Wakiiladda ee Somaliland oo maanta ka qabsoomay xarunta golahaasi ee magaalada Hargeysa ayaa lagu ansixiyey xeer-hoosaadka golahaasi.

Fadhiga oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiyaaha Golahaasi Cabdirisaaq Khaliif ayaa waxaa ka soo xaadirya 76 xildhibaan.

Golaha ayaa loo qaybiyo nuqulka heer-hoosaadka golahaasi ay xildhibaanadu u akhriyaan, ka dibna loo guddo gali in codka loo taago.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in cod loo qaado xeerkaasi.

Xeer-hoosadka golaha wakiiladda waxaa ogolaaday inuu ansax yahay 70 xildhibaan, waxaa diiday 4 xildhibaan, waxaa ka aamusay 1 xildhibaan, guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaasi ku ansaxay heerkaas.